MUQDISHO (Kaab TV) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in baaritaan lagu wado qaabka ay Al-Shabaab ugu suurtagashay inay weerar is-miidaamin ah ka fuliyaan xerada ciidamada ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo dhacay shalay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay gudaha xerada, gaar ahaan Kulliyadda Jaalle Siyaad.
Ilo-wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu ka dhacay meel ay ku sugnaayeen ciidamo dowladeed oo saf ku jiray.
Wararka qaar ayaa intaa ku daraya in goobta uu weerarku ka dhacay ay joogeen tababarayaal ajaanib ah, gaar ahaan caddaan, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dhinaca tababarka ciidamada.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu yiri:
“Qarax ayaa saaka abaare 11:20 subaxnimo ka dhacay afaafka hore ee Kulliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo uu fuliyay naftii-hurayaal ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab.”
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaanno ku saabsan weerarkaasi, isla markaana natiijada rasmiga ah ee baarista lala wadaagi doono bulshada Soomaaliyeed marka la soo gabagabeeyo.
Xerada Jaalle Siyaad oo ku taalla degmada Hodan, isla markaana ku dhow xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, ayaa ah xero lagu tababaro ciidamada militariga, waxaana dhowr jeer oo hore ay Al-Shabaab ula beegsatay qaraxyo.
Dhowr jeer oo dowladdu sheegtay inay guddi baaris u saartay weeraradaas ma jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay.

