SO | EN

SO | EN

Firdhiye oo loo doortay madaxweynaha cusub ee waqooyi bari

|

Laascaanood (KAAB TV) -Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa goordhow doortay Madaxweynaha cusub ee maamulkas, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana kusoo baxay Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada.

Doorashada oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 5 musharrax, waxaase waeegga labaad usoo gudbay Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirsiaaq Khaliif oo isagu inta aanu bilaaban tartanka wareegga labaad isaga baxay hoolka, kadib markii uu musharrax Jamaal Maxamed Xasan codadkiisii u wareejiyay dhanka Firdhiye, hayeeshee codeynta oo uu sii waday Baarlamaanka ayaa waxaa ugu dambeyn cod aqlabiyad leh kusoo baxay Cabdulqaadir Firdhiye oo mar kale 5 sano ee soo socoto hoggaamin doono maamulka.

Firdhiye ayaa heley 62 cod wareeggii labaad ee doorashada, halka ku xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu heley 65 cod.

Waxaa codeysay 83 xildhibaan.

Guusha Firdhiye ayaa si weyn loo dareemay, waxaana durbo Laascaanood ka bilowday dabaal-degyo waawayn oo lagu soo dhaweynayo doorashada uu kusoo baxay Firdhiye.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka reexeysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku leh doorashada Waqooyi Bari.

Dhinaca kale waxaa goordhow la guda galayaa doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka, waxaana ku tartami doono 5 musharraxa oo kale, kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cumar Daahir Xasan, Cabdirisaaq Maxame Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar (Dhagacadde) iyo Maxamed Cabdi Bulaale.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo xalay bandow xooggan lagu soo rogay guud ahaan Laascaanood, inta ay socoto doorashada, si loo sugo amniga guud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News