SO | EN

SO | EN

Firdhiye oo shaaciyay shirweyne Sool, Sanaag iyo Cayn lagu mideynaayo

|

LAASCAANOOD (Kaab TV) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabduqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa sheegay in shirweyne dhowaan ay qabaneyso SSC-Khaatumo kaasoo ujeedkiisu yahay in Sanaag oo dhan lagu soo biiriyo maamulka Khaatumo.

Hadalkan ayuu ka sheegay munasabaddii xafladda 26ka June oo ka dhacday magaalada Laascaanood habeenkii Khamiista.

“Bulshada Sool, Sanaag oo isku dhan iyo Cayn, waxaa qabsoomi doona shirweyne lagu dhameystiraayo dowlad goboleedkan ay wada yeelan doonaan deegaanadaas aan sheegay,” ayuu yiri Firdhiye oo la hadlay boqollaal mas’uuliyiin iyo dadweyne isugu baxay Laascaanood.

Gobolka Sanaag ayaa u kala qeybsan labo: qeyb raacsan Somaliland oo ay ku jiraan magaalooyinka Ceel Afweyn, Laasqoray iyo caasimadda gobolka ah ee Ceerigaabo, ayna wada degaan beelaha Isaaq iyo Daaroodka; qeyb kale oo ay ku jiraan magaalooyinka Badhan, Ceelbuh iyo Dhahar.

Hadalkan ayuu ka sheegay munasabaddii xafladda 26ka June oo ka dhacday magaalada Laascaanood habeenkii Khamiista.
Hadalkan ayuu ka sheegay munasabaddii xafladda 26ka June oo ka dhacday magaalada Laascaanood habeenkii Khamiista.

Dhowaan waxaa jiray dhaqdhaqaaq dadka deegaanka Sanaag ay wadeen oo ay ku doonayeen in Sanaag loogu sameeyo maamul la yiraahdo Maakhir State, waxaana shirar arrinkas ku saabsan lagu qabtay meelo kala duwan oo ay ku jirto Muqdisho.

Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sheegay in shirka loo qabanayo dadka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku hirkacayso SSC-Khaatumo Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu yiri.

“Shirweynaha waxaa kasoo qeyb gali doona ergooyin ka socda deegaanadaas. Waxaa kasoo qeyb gali doona oo garwadeen ka noqon doona Dowladda Federaalka oo ay ka wakiil tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,” ayuu yiri Firdhiye.

SSC-Khaatumo ayaa ka dhalatay dagaalkii ciidamada deegaanka Laascaanood ay la galeen kuwa Somaliland sannadkii 2023, waxaana aan caddeyn sida ay noqon karto xaaladda gobolka Sanaag haddii ay SSC-Khaatumo isku daydo inay maamulkeeda ku baahiso.

Gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo, ayaa bilawgii sannadkan waxaa hareeyay dagaallo qaab qabiil ku bilawday kuwaasi oo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay, ka dib markii ciidamo la sheegay inay yihiin kuwa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay ka qeyb qaateen dagaalka.

Qaar badan oo ka mid ah shacabkii barakacay ayaa weli ka maqan Ceerigaabo.

Bishii lasoo dhaafay, Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in weli Puntland iyo SSC-Khaatumo aysan kala bixin oo ay hal maamul isku yihiin sida uu dhigayo dastuurka Puntland.

Wasiir Dirir oo isaga laftiisa kasoo jeeda Laascaanood ayaa sheegay inaysan jirin meel dadka labada deegaan ku kala bexeen.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilal ka haya mas’uuliyiin kasoo jeeda Sool, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne ku Xigeenka, iyadoo sidoo kale jiraan xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo kasoo jeeda Sool kuwaas oo uu ku yimid magacaabidda odayaasha dhaqanka ee deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News