LAASCAANOOD (Kaab TV) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabduqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa sheegay in maamulkiisa loo ogolaaday inuu ka qeybga lo markii ugu horreysay shirka Madasha Qaran.
Shirka Madasha ayaa ah mid ay ka qeybgalaan madaxda dowlad gobolleedyada iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Shirkan ayaana dhicin tan iyo sannadkii hore markii ay qaadeceen Puntland iyo Jubbaland.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa ka hadlay madal xalay ka dhacday Laascaanood oo lagu maamuusayay wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo booqasho saddex maalin ku joogay Laascaanood.
“[Raisul wasaaruhu] wuxuu yiri Reer SSC Madasha Wadatashiga Qaranka waa fariisan doonaan, inta muddo xileedkeygu joogana ‘state’ kaasi waa dhismi doonaa,” ayuu yiri Hoggaamiye Firdhiye.
Maamulka SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ayaa la sameeyay bishii August 2023 markii dagaal lagu hoobtay ay ciidamada SSC-Khaatumo la galeen kuwa Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa ka dibna u aqoonsatay SSC-Khaatumo maamul ku meel-gaar ah oo aan buuxin shuruudihii dowlad gobolleedyada.
Dastuurka Federaalka ayaa sheegaya in Dowlad Gobolleed ay noqon karaan labo gobol iyo wixii ka badan.