MUQDISHO (KAAB TV) – Maryan Mahad Cadow oo 5 jir ah, ayaa la sheegay in laga soo tuuray dhismo ku yaala Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhaawac culus uu ka soo gaaray.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska Maryan saacadihii la soo dhaafay waxaa socday dadaallo adag oo culus oo ay wadeen dhaqaatiirta gacanta ku haysay balse ugu dambeyntii waxay u geeriyootay dhaawac halis ah oo soo gaaray.
Laamaha ammaanka Dowladda Federalka Somaliya ayaa wada baaritaano ku aadan arrintan inkastoo aanay weli soo saarin warar rasmi ah oo arrintan ku saabsan iyadoo qoyska Maryan Mahad ay sheegeen in gabadhooda oo shan ah laga soo tuuray dhismo.
Arintan ayaa walaac ku abuurtay bulshada dhexdeeda iyadoo tani ay keentay su’aalo dhowr ah oo laamaha amaanka laga weydiinayo dhacdadii naxdinta laheyd ee dhacday iyadoo ehelada ay u dulqaateen jawaabta laamaha amaanka dowlada federaalka Soomaaliya.
Qoyska Gabadha geeriyootay oo 5-sano jir ah oo magaceeda lagu sheegay Maryan Mahad Caddow oo la hadashay Warbaahinta ayaa dalbatay in cadaalada la horkeeno gabadhooda qoyskaasi ma aysan soo bandhigin xog dhameystiran oo ku saabsan milkiilaha guriga la sheegay in gabadhooda laga soo tuuray.