MUQDISHO (Kaab TV) –Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Sacdiyo Macalin Cali, oo loo yaqaan “Sacdiyo Bajaaj”, taasoo ka mid ahayd wadayaasha mooto Bajaajta ee ka shaqeeya caasimadda.
Xariggan ayaa ka dhashay ka qaybqaadashadeeda dibadbax nabadeed oo looga cabanayay qiimaha shidaalka oo sare u kacay iyo duruufaha dhaqaale ee ku xeeran wadayaasha mootooyinka ee Muqdisho.
Sacdiyo, oo ah gabar waxbarasho heer jaamacadeed ka gaartay dalka, ayaa shaqo la’aan darteed dooratay inay ka shaqeyso mooto Bajaaj si ay u taageerto qoyskeeda, Iyadoo ku mashquulsan ganacsiga mooto Bajaajta, waxay sidoo kale codkeeda ka dhiibtay arrimaha siyaasadda iyo cabashooyinka dhalinyarada ku saabsan culaysyada dhaqaale.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashkuur ayaa xariggan si kulul u cambaareeyay, isaga oo bartiisa bulshada ku qoray “Sacdiyo Macalin Cali waxay tusaale u tahay geesinimada iyo masuuliyadda muwaadinnimo, Xarigeeda wuxuu dirayaa farriin walaac leh oo ku saabsan heerka xorriyadda muwaadiniinta. Abaabulka iyo ka qaybqaadashada dibadbaxa nabadeed ma aha dembi, balse waa xaq dastuurka damaanad qaaday. Dowladda waxaa laga rabaa inay dhagaysato tabashooyinka dhallinyarada halkii ay cabsi gelin iyo xarig u adeegsan lahayd.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ku booriyay hay’adaha amniga in Sacdiyo si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo, lana ixtiraamo xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadinka.

