MUQDISHO (Kaab TV) – Saxafiyad Shukri Caabi Cabdi oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in maalintii Khamiista lagu joojiyay waddada aagga Buulo Xuubey, halkaas oo lagu qasay inay isku diiwaangaliso kaarka doorashada iyada oo aan raalli ka ahayn.
Shukri waxay sheegtay in subaxdii ay ku sii socotay shaqadeeda, markii mooto bajaaj ay saarnayd la joojiyay, ka dibna dhowr nin ay xoog ku kaxaysteen.
“Dhowr saacadood ayaan nalagu haayay iskuulka Jabuuti. Halkaas saf dheer ayay dadku ku jireen,” ayey tiri.
Wariye Shukri waxay sheegtay in kaarkeeda aqoonsiga saxafinimo laga qaatay illaa haatana aysan helin kaarkeeda, isla markaana telefoonkeeda laga qaatay.
Waxay Shukri dalbatay in kaarkeeda loosoo celiyo si deg deg ah.
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa falkan cambaareeyay.
Xoghayaha SJS, Cabdalle Mumin ayaa sheegay in falkaan uu yahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadiniinta iyo tan xorriyadda.
Cabdalle ayaa sheegay in aan dadka lagu qasbi karin waxaysan raali ka ahayn, wuxuuna ku baaqay in lala xisaabtamo si deg deg ah.

