MUQDISHO (Baraarug) – Haweenka shaqo doonka ah iyo kuwa tababarka shaqo ku jira waxay la kulmaan caqabado isku mid ah oo ka jira xarumaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Xod-xodashada galmada, mushahar la’aanta ama xadgudubyada kale sida shaqada oo laga saaro xuquuq la’aan ayaa sii socda oo aan la soo sheegin.
Qeybtan wareysiga #Baraarug, Faadumo Ismaaciil, oo u doodda xuquuqda haweenka, kuna sugan Muqdisho waxay kaga hadashay caqabado dhowr ah oo u baahan in wax laga qabto.