Garoowe (KAAB TV) – Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland waxaa maalmihii lasoo dhaafay kadhacaayay falal xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo loogeysnaayay Haweenka kunool magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Sidoo kale, Garoowe waxaa shalay kadhacay kufsigii ugu dambeeyay kaas oo loogeystay gabar 13-jir ah, waxaana kufsigaas geystay ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland, kufsiga ayaana kadhacay Kaam barakac oo kuyaalo magaalada Garoowe.
Dhanka kale, Warsaxaa-fadeed kasoo baxay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in bishaan gudaheeda Garoowe ay kadheceen 9 kiis oo dil iyo 6 kiis kufsi ah.
Warsaxaa-faeedka ayaa waxa uu intaas kudarayaa in dhamaan gabood faladaas ay geysteen rag hubeysan oo katirsan ciidamada maamulka Puntland, kuwaas oo aan inta badan lahorgeynin caddaaladda.