SO | EN

SO | EN

Galmudug: 80% Galgaduud waa laga saaray Alshabaab

|

Muqdisho (Kaab TV) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay in kooxda Alshabaab laga saaray 80% deegaanada gobolka Galgaduud oo katirsan Galmudug,

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi ayaa sheegay in wali howlgalada ay siisocon doonaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay ku howlan yihiin sidii ay uga saari lahaayeen lahaayeen Alshabaab deegaanada kuharay gacantooda,

Ciidanka maamulka goboleedka Galmudug, iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa haatan wuxuu yoolkoodu yahay inay gacanta ku dhigaan degmada Ceelbuur.

Degmadani, ayaa ah tan ugu weyn ee uu haatan ururkaasi kaga sugan yahay gobolka.

Degmadii ugu danbeysay ee laga saaray Alshabaab ayaa aheyd Xarardheere oo ah magaalo xeebeed muhiim ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News