Galmudug (Kaab TV) – Galmudug oo noqotay maamulkii goboleedkii ugu horreeyay ee meel-mariyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo wax looga beddelaayo hannaanka doorashooyinka dalka.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta shir guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo la horgeeyay go’aanaddii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.
Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka, Goloha waxaa sidoo kale la golaha Wasiirada hor-geeyay sharciga doorashooyinka, guddiga doorashooyinka madaxa-banaan laga dhageystay warbixin.
Guddiga doorashooyinka wada howlaha doorashada maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay sida ey isu waafaqsan yihiin qodobbadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatshiga Qaran iyo sharciga doorashooyinka.
Golaha ayaana dood dheer kaddib cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku ansixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran iyo sharciga doorashooyinka.
Sidoo kale kale, Golaha wasiiradda Galmudug ayaa shirkii maanta waxay warbixin laga dhageystay wasaaradda amniga maamulka Galmudug.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor keentay Golaha xeerka degmeynta labo degmo, waxaa lagu ansixiyay shirka in loo aqoonsado Gadoon iyo Godinlabe laba degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka maamulka Galmudug.
Golaha Wasiirrada Galmudug ayaa sidoo kale waxaa maanta lagu ansixiyay sharciga dhulka Galmudug.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug ayaa golaha faray in la dardar-galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda oo ay kamid tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan billaaban doona.