MUQDISHO (KAAB TV) – Kooxaha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa inay galabta yeeshaan ciyaarta kama dambeysta ee koobka maamul gobolleedyada oo ka socday garoonka Stadium Mogadishu.
Hase yeeshee waxaa laga baqayaa in rabshado ay saameeyaan ciyaarta, haddii kooxaha ka qeybgalaya ay ku qanci waayaan natiijada ciyaarta.
Booliska ayaa digniino soo jeediyay.
Waxaa xusid mudan in ciyaarahan aysan ka qeybgalin maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo SSC-Khaatumo.