Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa iyo warakii ugu dambeeyay

|

Cape Town (KAAB TV) – Burcad hubeysan ayaa muwaadin Soomaali ah ku dilay xaafad ka tirsan degmada Gugulethu ee magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika

Allaha u naxariistee Ibrahim afurow Nuur Hussein ayaa sida la sheegay ka shaqeynayay dukaan halkaas ku yaalla, waxaa markii hore dhaawac ka soo gaaray rasaas ay burcada la beegsadeen kaasoo markii dambe uu u geeriyooday.

Sidoo kale,Burcada hubeysan ee falka geysatay xaafada Gugulethu ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka kadhacay sida ey sheegeen ilo dadka deegaanka.

Dhanka kale, Ciidamo Boolis oo gaaray dukaanka lagu weeraray Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan falka burcadnimo ee lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed

Boqolaal Soomaali ah ayaa sanadahan dil iyo dhac loogu geystay Magaalooyin iyo degaano ka tirsan dalka Koonfur Afrika, kuwaasoo ay fuliyaan burcad hubeysan.

Milateriga Isra’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay weli sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan dhulka, cirka iyo badda ee magaalada Gaz.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News