SO | EN

SO | EN

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay gudaha dalka Koonfur Africa

|

Johhanesburg (KAAB) – Burcad udhalatay dalka Koonfur Africa ayaa habeenimadii xalay magaalada Johhanesburg waxa ey kudileen shaqsi Soomaali ah.

Kooxdan burcada ayaa weeraray dukaan ey leeyihiin ganacsato Soomaali ah waxeyna halkaas kudileen Cusmaan Cabdisalaan Maxamed oo ahaa mid kamid ah shaqaalihii kashaqeynaayay dukaanka.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in kooxda dilka geysatay ey goobta isaga baxsadeen, waxa eyna horey usii qaateen lacago iyo waxyaale kaleete sida ey xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dhanka kale, booliska dalka Koonfur Africa ayaa goobta dilka uu kadhacay tagay waxa eyna sameeyeen baaritaano ku aadan qaabka uu dilka udhacay waxa eyna sheegeen in ey soo qaban doonaan raggii dilka geystay.

Inta badan dalka Koonfur Africa waxaa kadhacay weeraro iyo dilal qorsheesan oo loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee kunoo gudaha dalka Koonfur Africa, sidoo kale tirada dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga kuheysto Koonfur Africa ayaa waxa ey kor udhaafeysaa  boqolaal kun oo qofood.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News