BOOSAASO (KAAB TV) – Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada Boosaaso ayaa si xawli ah u soo kordhay kadib markii uu dhammaaday xilliga xagaa baxa, dad badanna ay dib ugu soo laabteen bishan magaalada.
Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga gobolka Bari, waxay door muhiim ah ka qaadataa isku xirka degaannada Puntland iyo gobollo kale oo ka tirsan Soomaaliya.
Magaaladan ayaa martigelisa kumanaan qof oo Soomaaliyeed, kuwaas oo si kala duwan uga soo hayaamay gobolladii ay asal ahaan ka soo jeedeen.
Boosaaso sannadihii u dambeeyay waxay la kulantay caqabado la xiriira isbeddelka cimilo iyo xaaladda dhaqaale ee bulshada, iyadoo badi dadka deggan ay yihiin dad sabool ah oo noloshooda ku tiirsan shaqooyinka gacanta laga qabto iyo xamaalka, kuwaas oo u helaan quutal-daruuriga maalintii ay shaqeeyaan.
Waxyaabaha Boosaaso kaga duwan tahay magaalooyinka kale ee Soomaaliya waa in sanad walba, marka la gaaro xilliyada kulul ee xagaaga, ilaa 60% bulshada magaalada ay “xagaa baxaan,” iyaga oo u hayaama degaannada ku dhow sida Carmo, Waaciye, Qardho, Baran, Dhahar, iyo tuulooyinka ku xeeran degmooyinkaas.
Muddada xagaa baxa oo ka bilaabata bisha May illaa Sebtembar, waxaa yaraada dhaqdhaqaaqa ganacsiga, waxaana xirma goobaga waxbarashada.