MOGADISHU (KAAB TV) –Waxaa si xoogeysanaya cabashada ay qabaan ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada muqdisho, sababo la xiriira qaabka qaadista canshuurta taas ay dhibaato ku qaabaan ganacasatada suuqa weyn ee Bakaaraha.
Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin qaabka qaaditaanka canshuuraadka oo ay jiraan dad dhibaato ku ah ganacsigooda.
Waxaan la kulanaa dhibaatooyin ku saabsan qaadista cashuuraha waxaana jira awood sheegasho maalinkasta ay la kulmaanganacsatada suuqa Bakaaraha oo maalinti laga qaado lacago baad ah ayuu yiri’ mid ah mid ah ganacsatada suuqaas waxaala weydiiyaa in lacagta ku shubeen MERCHANT waxaana mararka qaar nagala xeraa goobaheena ganacsi.
Ganacsatada ugu badan ee dhibada la kulma waxaa ka mid ah kuwo gaari ganacada yar yar ee dharka ku iibiyo is goysaga suuqa Bakaaraha.
Sidoo kale wax aay tilmaameen in maalin kasta la handado, isla-markaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyaga la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda.
Maxkamada gobolka banaadir waxaa ka soo muuqaday ganacsato lagu haysto in aysan lacagta ku qaadan MERCHANT taas oo u muqato in ay jiraan dad ka tirsan dowlada oo qeyb ka ha dhibaateynta ganacsatada suuqa Bakaaraha.
Dowladii laga rabay in ganacsatada xaliso dhibaatada haysata iyadii ayaa qeyb ka ha dhibaateynta ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah ganacsatadii la kulmay dhibaatadaas.

