New York (KAAB TV) – Gantaal ay leedahay shirkadda SpaceX ayaa qarxay wax yar ka dib markii laga soo tuuray Texas maalinkii Khamiista, isagoo sababay in ay hakadaan dullimaadyadii iyo sidoo kalana la bixiyo digniino ku saabsan inuu soo daadan doono burburka gantaalka ee hawada sare ku jira.
Sidoo kale, SpaceX waxa ay xaqiijisay in gantaalku uu la kulmay “kala daadasho degdeg ah oo aan lagy talo galin ” xilligii uu hawada sare u kacayay, oo uu lumiyay xiriirki dhulka.
Dhanka kale, Gantaalka weyn ee SpaceX Starship lagu magacaabo, oo ah gantaalkii ugu weynaa ee abid la sameeyo, ayaa koontaroolka ka baxay wax yar ka dib markii la riday. Ma jiro wax dhaawac ah ama khasaare ah oo la soo wariyay balse sawirro laga soo qaaday jasiiradaha badda ee Caribbean ka ayaa muujinaya qashin cirka ka soo da’aya.
Tani waxay ahayd hawlgalkii sideedaad ee lagu tijaabiyay gantaalka, iyo fashilkiisii labaad oo xiriir ah oo la kulmo.
Gantaalkaan oo dhererkiisu dhan yahay 123 mitir (403ft) ayaa loogu talagalay in uu dib ugu soo laabto dhulka kadib markii uu hawado dhex mushaaxo muddo hal saac ah.
Xoojiyaha aadka u culus ee gantaalka, kaas oo ka caawiyay inay dhulka ka kaco, ayaa si guul leh u maareeyay in uu dib ugu soo noqdo mar kale halkii laga duuliyay.
SpaceX, oo uu iska leeyahay bilyaneerka Elon Musk, ayaa sheegtay in kooxuhu isla markiiba bilaabeen inay la shaqeeyaan saraakiisha amniga ” waxay hirgaliyeen falcelinnadii degdeg ahaa ee horay loo sii qorsheeyay”.