SO | EN

SO | EN

Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cade oo saaka gabi ahaanba shaqadiisa istaagtay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda gaadiidka, hawada iyo duulista Marwo Fardowso Cismaan Cigale ayaa amar xayiraad ah kusoo rogtay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cade International Aiport, kadib markii shirkadaha diyaaradaha ay dhowaan iska diideen amarka kasoo Wasaaradda gaadiidka, hawada iyo duulista Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkadaha diyaaradaha oo dhowaan shir jiraa’iid kuqabtay magaalada Muqdisho, iyagoona iska diiday in ay qaataan amarka Wasiiradda gaadiidka, hawada iyo duulista oo lagu sheegay in ay ticket walbo ay duul saaraneyso lacag dhan $9 sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Dhanka kale, waxaa gabi ahaanba saaka xayirin rakaabkii diyaaradaha kuqornaa kuwaas oo isugu jiro dad da’ ah iyo dad xanuusan waxaana saaka gabi ahaanba istaagtay shaqadii kasocotay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Amarkan lagu joojiyay duulimaadyada diyaaradaha garoonka Aaden Cade ayaa waxa uu imaanaya xili dowladda Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya khilaafka siyaasadeed ee udhexeeyo uu sii xogeystay, kadib markii dowladda Itoobiya ay heshiis sharci daro ah lagashay maamulka gooni isutaaga ah ee Soomaaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News