SO | EN

SO | EN

GAROOWE : Dhismaha Golaha wasiirada oo isha lagu hayo.

|

Garoowe (KAAB )- Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu  soo waramayaa inuu soo gaba- gabeeyay la tashiyada ku saabsan sidii loo soo dhisi lahaa Golaha wasiirada maamulkaas.

Wararka aan ka  helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in madaxwayne Saciid Deni la filayaa inuu ku dhawaaqo xubnaha cusub ee Golaha wasiirada maamulkaas.

Muddo ku siman 30 cisho ayaa laga sugayay Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo soo doortay inuu ku soo magacaabo , Golaha wasiirada  maamulka Puntland oo noqon doono kuwa ka balaaran kuwii hore.

Magaalada Garoowe ayaa laga hadal   hayaa nooca ay noqon doonaan  xubnaha cusub ee  xukuumadda kuwaas oo in mudda ah laga sugayay inuu soo dhiso Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasaaraddo cusub ayaa la sheegayaa  in lagu soo dari doono , Golaha wasiiradda waxaa sidoo kale jira in xukuumadda xilal ay ka qaban doonaan xubno mucaarad ku ahaa madaxwaynaha intii ay socotay doorashada.

Qaar kamid ah musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Siciid Deni ayaa wararka sheegayaan in ay kamid noqon doonaan liiska golaha cusub ee wasiirrada Puntlan

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News