Garoowe (KAAB ) Magaalada – Garoowe ee xarunta ee maamulka Puntland waxaa maanta oo Arbaca ah waxaa ka dhacay shir looga hadlayay xaaladda amniga iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada ee salka ku hayay arimaha doorashooyinka.
Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Ismaaciil Saleebaan Geelle, Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer
Xubnaha ka qayb galay shirka waxa ay isla soo qaadeen sida muhiim ay u tahay in magaalada ay uga caaganaado hubka sharci darrada isla markaana aan loo soo laaban rashado la mid ah kuwii magaalada ka dhacay dhawaan.
Gunaanadka shirka ayaa laga soo saaray go’aano gaaraya illaa shan qodob oo kala ah, kuwaa oo ay ka mid yihiin; in deegaannada Puntland gaar ahaan Caasimadda laga mamnuucay in lagu dhex wato hubka sida sharci darrada ah.
Qodobada kale ee ka soo baxay shirka ayaa wax ka mid ah:
In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga.
In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,
In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,
In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.