BELEDXAAWO (Kaab TV) – Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta gaaray degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Socdaalka wafdiga wasiir Fartaag ayaa imaanaya iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gobolka, ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.
Diyaaraddii siday wafdiga Wasiirka oo markii hore la qorsheeyay inay ka degto degmada Baardheere, balse uu diiday inay diyaaradda halkaas geyso wasiir Fartaag.
Waxaana ugu danbeyn maanta diyaaradda ay ka degtay degmada Garbahaaray.
Ka dib markii looga itaal roonaaday dhanka Raaskaambooni, Dowladda Federaalka ayaa wadda ciidamo ay ku daauleyso gobolka Gedo oo ay ku dooneyso inay gobolka uga jarto Jubbaland.
Waxaana tani ay sii kordhineysaa xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya maamulka Jubbaland ee fadhigiisu yahay Kismaayo iyo Dowladda Federaalka.
Weli ma cadda qorshaha wasiir Fartaag, balse waxaa hore degmada Garbahaarey ugu sugnaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka u qaabilsanaa Jubbaland Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo gudaha gobolka lagu ururinaayo, waxaana wararku sheegayaan in dowladdu qorsneyso inay degmooyin aan hadda ku jirin gacanta maamulka Jubbaland ay qabsato.