Jabuuti (Kaab TV) – Mucaaradka Jabuuti ayaa ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland, oo maalintii shanaad magaalada Laascaanood kula dagaalamaya kuwa dadka deegaankaas.
Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socotay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.
Mucaaradka Jabuuti ayaa waxa ay sheegeen in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday madaxweyne Geelle taageerada Jamhuuriyadda Jabuuti, taasi oo ku saabsan dagaalada maalmihii u dambeeyay dhex-maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda SSC.
“Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka Jabuuti.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xad-gudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaasi oo dhigaya in aanay ogolanayn QM in lasoo fara-galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta ilaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya.
Taageerada Geelle ee xiligaan uu siinayo Somaliland ayaa ah mid milatari oo toos ah ee ciidamada Somaliland ee dagaalka kaga jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida uu sheegay mucaaradka Jabuuti.
Bayaanka kasoo baxay mucaaradka Jabuuti ayaa waxaa loogu baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya, ayaga oo dhinacyada isku haya Laascaanood uu ugu baaqay inay aqbalaan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga ee ka imanaayo beesha caalamka ee loo diraayo labada dhinac, ayada oo QM ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.