NewYork (KAAB ) Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Mareykanka waxaa geeriyooday Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger, isaga oo jira da’ da 100 sano sida la xaqiijiyay.
Isaga oo ku sugan gurigiisa ayuu xoghayaha uu geeriyooday isagoo lagu waramay in muddo ah inuu xanuunsanaa oo ku arooray qolkiisa gaarka ah.
Geerida “Henry Kissinger” waxaa ay baalka u rogtay waayo ” ayay leeyihiin dadka aadka u yaqaana Henry marka loo eego sida uu u ahaa qof kaalin lahaa siyaasada Mareykanka ee dibadda.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa aad wax uga qoraysa maanta oo Khamiis ah xoghayahiii arrimaha dibada ee ku geeriyooday isagoo da’ da boqolka ku jira.
Bishi July ee sannadkaan 2023-ka wuxuu magaalada Beijing kula kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka.