SO | EN

SO | EN

Generaal Sheegow oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho  Gen. Sheegow Axmed Cali oo ahaa Maxbuus u xiran dowlada Somalia kasoo ku jiray xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale, marxuumka oo ku xukunaa xabsi dheer ayaa ku xanuunsaday xabsiga dhexe, waxaana lagu daweynayey Isbitaalka Erdogan (Ex-digfeer) oo ay geeyeen ciidanka asluubta ka dib markii ay ka sii dartay xaaladiisa caafimaad.

Dhanka kale, Sheegow iyo rag kale oo lala soo xiray ayaa lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen iska horimaad ciidamo ka wada tirsan DF ku dhexmaray degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho sanad iyo bar ka hor.

Iska horimaadka ayaa sababay geerida iyo dhaawaca askar ka tirsan ciidamada amaanka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa 2dii Novembar 2023 Sheegow Axmed Cali (Gen. Sheegow), ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, iyo bixinta Diyada dilka Sakariye Maxmaed Cali iyo dhaawaca sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen.

Labadan nin ee midna magtiisa lagu xukumay, mid kalena dhaawaciisa, ayaa ahaa saraakiishii iyo askartii ugu tagay gurigiisa, si loo soo xiro, balse uu rasaas ugu jawaabay, sida ay sheegeen xeer ilaalinta.

Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ), oo ahaa taliyaha ilaalada ciidanka Sheegow Axmed Cali ayaa lagu Xukumay Dil-toogasha ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News