Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Go’aan noocee ah ayaa laga sugayaa madaxda DFS ka dib weerarkii SYL ?.

|

Muqdisho (KAAB)- Weerarkii ka dhacay Hotelka SYL waxa uu keenay tuhun badan oo xaga amniga ah taas oo ay fara – galiyeen ugu danbeyn madaxda  ugu sareysa ee dalka.

Weerarkii lagu qaaday Hotelka ayaa la aaminsan yahay inay  fududeeyeen xubno saraakiil ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliay ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirar gooni gooni ah ayaa socday saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo looga hadlayay  weerarkaas iyo cida ay tahay in lagula xisaabtamo , inkastoo dowladud ay sheegtay in shaqsiyaad loo xiray.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa labaduba tagay xarunta NISA  halkaas oo ay ka socdaan baaritaanka ku saabsan qaabka uu u dhacay weerarka SYL.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wareegay galka baarista ee weerarkaasi, waxaana baaristaasi qeyb ka ah xubnaha ugu muhiimsan hay’ddaha amniga, sida Taliska Nabad-sugida, booliska iyo saraakiil ka tirsan Villa Somalia.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ka fakarayaan go’aanka ay ka qaadan doonaan kiiskan oo ah mid  banaanka keenay wada shaqaynta laamaha amniga iyo xubno ka tirsan Al- Shabaab.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan madaxdu  suurtagal ay  tahay in ay qaataan go’aano adag oo ka dhan ah Hay’adaha amniga ee Dowladda Soomaaliya si gaar ah NISA iyo Booliska.

Weerarkan ayaa layaab noqday maadaama ay rag hubeysan iyo gawaari qaraxyo ku raran yihiin ay ka gudbeen kontoroolo aad loo ilaaliyo, ayna adag tahay in qof caadi ah ka gudbo.

Kaamirooyinka qarsoon ee yaalla xarunta taliska Nabad sugida ayaa laga dhax arkaya sida ragga hubeysan ee katirsanaa Al Shabaab iyo gaadiidkii ay wateen uga gudbeen koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News