XUKUN DIL: Go’aanka Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banadir Ee Kiiska Sayid Ali

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Maxkamada Racfaanka ayaa ku raacday xukun dil ah oo ay hore ugu ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir Sayid Cali Macalin oo lagu soo oogay kiiskii dilka gubitaanka ahaa ee marxuumad Luul Cabdicasiis.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah xukun dil ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin oo dabayaaqadii bishii Janaayo magaalada Muqdisho ku dilay xaaskiisii hore, Luul Cabdicasiis.

Kiiskan oo muddo saddex bilood ka badan ka socday maxkamadaha tan iyo markii la xiray Macallin, kaddib markii lagu eedeeyay inuu gubay Luul. Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay tii ugu horeysay ee fal arxan darri ah oo ka dhan ah haweenka nugul ah oo ka dhacda Soomaaliya, oo ah waddan horay ula daalaa dhacayay xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

DHAGEYSIGA

Dhageysi is daba joog ah oo isugu jiray eedeymo, eedeyn-celis iyo waliba hanjabaado loo jeedinayay qoyska dhibbanaha ayaa markii hore Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay 6-dii bishii March ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo qareenadii u doodayay ay racfaan ka qaateen xukunka, taasoo keentay in mar kale uu bilawdo halgan kale oo dhanka sharciga ah oo dib u dhac ku keenay dacwadda intii lagu guda jiray bisha Ramadaan.

Dhamaadkii bishii Abriil, maxkamadda racfaanku waxay bilowday inay dib u eegto kiiska, iyada oo qareennada difaacaya ay ku doodeen inaysan ku qanacsaneyn xukunka hore.

“Su’aalo badan ayaa ku lug leh xukunkii hore, waxaana ka qaadannay racfaan,” ayuu yiri Cali Xalane oo ka mid ah qareennada u doodaya Macallin.

Si kastaba ha ahaatee, qareenada qoyska ayaa keenay cadeymo dheeri ah oo ku aadan in Sayid Cali uu ku lug lahaa weerarkii arxan darada ahaa ee lagu gubay marxuumad Luul.

Dhakhaatiirta, deriska, iyo dadkii ugu horreeyay ee u soo gurmaday gargaarka Luul ayaa ka marag kacay darnaanta iyo ulajeedka weerarka.

“Markii isbitaalka la keenayay meyd ayay ahayd,” ayuu yiri mid ka mid ah dhakhaatiirta oo maxkamadda ka hor marag-kacay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa Axaddii soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda, waxaana ay ku dhawaaqday go’aankeeda Arbacada iyadoo uu akhriyay guddoomiye Siciid Cali Maxamed.

“Maxkamadda markii ay dhageysatay dhammaan dhinacyada oo dhan, isla markaana ay soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda, waxa ay Maxkamaddu halkan ku cadeyneysaa in Sayid Cali Macallin Daa’uud lagu xukumay dil toogasho ah, taasoo ah qisaasta dilki Luul Cabdicasiis” ayuu yiri Maxamed.

Ku dhawaaqista xukunkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa ehelada labada dhinac ee Luul Cabdicasiis iyo Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Inkastoo xukunka la riday, qareenada difaacayay Sayid Cali ayaa muujiyay rabitaankooda ah inay racfaan u qaataan maxkamad sare.

“Kuma qanacsanin xukunkan oo aan horay uga qaadanay racfaan,” ayuu yiri Cali Xalane oo la hadlay warbaahinta gudaha ka hor inta aan lagu dhawaaqin go’aanka Maxkamadda Racfaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News