Boosaaso (KAAB TV) – Faaf-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.
Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo Mareykanka lee yahay ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanada Daray Madoobe iyo Curar, waxaana la sheegay in lala beegsaay godka la yiraah Kunle oo ahaa godka ugu weyn ee kooxda Daacish ay laheyd, sida ay xaqiijiyeen ilo xag amniga ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta la beegsaday ay maalmihii lasoo dhaafay ay Daacish ku diyaarinayeen shaqsiyaad miineysan oo ay qaraxyo ku xireen kuwaasi oo ay doonayeen in ay ku weeraraan ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira.
Geesta kale duqeymo kale ayaa la sheegay in ay ka dhaceen deegaanada kala ah Xankooki iyo Dhaasan oo ku yaalla buuraha Calmiskaad, waxaana duqeymahaasi lala beegsaday godad ay ku dhuumaleysanayeen horjoogayaal katirsan Daacish, waxaana ka dhashay khsaaro kala duwan oo soo gaaray kooxda Daacish.
Puntland ayaa sare u qaaday weerar ay ku heyso kooxda Daacish, waxaana howlgalladii u dambeeyey ay fuliyeen ciidamada Puntland jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee Puntland.