SO | EN

SO | EN

Godkii ugu weynaa kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad oo duqeymo lala beegsaday

|

Boosaaso (KAAB TV) – Faaf-faahino dheeraad  ah ayaa kasoo baxaya  duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo Mareykanka lee yahay ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanada Daray Madoobe iyo Curar, waxaana la sheegay in lala beegsaay godka la yiraah Kunle oo ahaa godka ugu weyn ee kooxda Daacish ay laheyd, sida ay xaqiijiyeen ilo xag amniga ah.

Wararka qaar  ayaa sheegaya in  goobta la beegsaday ay maalmihii lasoo dhaafay ay Daacish ku diyaarinayeen shaqsiyaad miineysan oo ay qaraxyo ku xireen kuwaasi oo ay doonayeen in ay ku weeraraan ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News