SO | EN

SO | EN

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ka yeelanaya weerarkii Iran kuqaaday Isra’iil

|

New York (KAAB TV) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir deg deg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas.

Sidoo kale, kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso.

Dhanka kale, Warqad kale oo ay u dirtay Frazier, ayay Iran isku difaacday, waxayna sheegtay in ay u dhaqantay is-difaaca nafteeda sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana jawaab u ah gardarada milatari ee Israa’iil ee soo noqnoqotay.

Wey adag tahay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay isku raaco dalabka Israel, maadaama Ruushka iyo shiinaha oo lagu xagliyo dhinaca Iran aysan ogolaan doonin in la cambaareeyo Iran.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News