Roma (KAAB TV) – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lafilayaa in kulan xasaasi ah ey kayeeshaan xiisada siyaasadeed ee hatan udhexeyso dowladda Somalia iyo dowladda Itoobiya taas oo kadhalatay arrimaha badda.
Sidoo kale, Waxaa lafilayaa in kulanka golaha ammaanka Qaramada Midoobay looga hadli doono xaalada Geeska Africa, iyadoona si gaar ah looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee kasoo korortay Itoobiya iyo Somalia.
Dhanka kale, dowladda Somalia ayaa waxa ay horey ucodsatay in Qaramada Midoobay ey soo farageliso arrintaan xadgudubka ku ah madaxbanaanida dhuleed ee Somalia, iyadoona ay horey ugu soo horjeesteen Ururada caalamiga ah ee xiriirka caalami laleh Somalia ey siweyn u diideen arrintaan, waxa ayna sicad ugu soo horjeesteen damaca guracan ee Itoobiya kudooneyso iney kuqaadato qeyb kamid ah biyaha Somalia.
Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga waxaa maanta kadhacay shir ey isugu imaanayaan madasha Taliyaaniga iyo madaxda Africa oo ah shir muhiim ah kasoo ey kasoo qeyb galayaan madaxda Yurub iyo Africa, Roma waxaa kuwada sugan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.
Dowladda Taliyaaniga ayaa waxa ay qorsheeneysaa in xal laga gaaro xiisada udhexeyso Itoobiya iyo Somalia oo maalmahanba heystay geeska Africa sida ay warbaahinta uxaqiijiyeen diblumaasiyiin qeyb ka ahaa qaban-qaabada shirka.
Ugudambeyn, Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh oo haatan kuwada sugan dalka Taliyaaniga ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Abiy Axmed uu haatan u raadinaayo in kulan gaar ah uu layeesho Xasan Sheekh si uu ugu yaraado cadaadiska ugu imaanaya caalamka, halka Xasan uu isagana marna rabin inuu kulan gaar ah layeesho Abiya Axmed, Xasan Sheekh hadii uu Abiy Axmed kulan layeesho ogow waa sawir qaldan oo uu Xasan Sheekh kabixinaayo Somalia oo ah Qaran soo kabanaya haatan.

