SO | EN

SO | EN

Golaha Ammaanka QM oo war culus kasoo saaray colaada Laascaanood

|

New York (Kaab TV) – Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ayaa bayaan culus kasoo saaray dagaalka ka socdo Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay golaha amaanka QM.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay golaha QM ayaa lagu xaqiijiyay madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale bayaanka kasoo baxay golaha ayaa lagu xaqiijiyay in shacab badan ay ku dhinteen, dagaalada kasocdo magaalada Laascaanood, iyadoo ay ku barakeceen 150,000.

“Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka Sool, si dagaalka loo joojiyo lana bilaawo wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahay.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo golaha amaanka Qaramada Midoobay.

Dhanka kale waxey baaq culus udireen dhinacyada ku lugta leh dagaalka socdo, sidoo kalana ey bilaawaan heeshiisyo lagu doonaayo xabad joojin, waxeyna tilmaameen in wax kasto lagu dhameeyo wadahadalo colaadana lagu bedelo nabad.

Sidoo kale bayaan waxaa fariin loogu diray xafiiska Qaramada Midoobay ey kuleeyihiin Soomaaliya in uu gacan ween ka geysto arrimahaas, dhanka kale waxaa iyadana baaq loo jeediyay Soomaaliland oo loogu baaqay in ciidamadeeda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo Laascaanood, eyna joojiyaan hadalada xanafta leh oo sababi kara dagaalo kale.

Waxaa kaloo ay golaha amaanka ay sheegeen in dhinacyada isku haya lagula xisaabtami doono mas’uuliyada saaran, si gaar ah kuwa jebiya shuruucda caalamiga ah ama geysta xad gudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha, sidoo kale goluhu waxey baaq udireen deeq bixiyeyaasha in ey sida ugu dhaqsiyaha badan u dardar galiyaan kaalmooyinka bani’aadannimo ee lasiinayo Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News