Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay go’aanadii uu qaatay Laftagareen

|

MUQDISHO (KAAB TV) -Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland & Madasha Samatabixinta ayaa soo dhaweeyey Talaabada uu qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, waxayna sheegeen in goluhu taageerayo in ay Koonfur Galbeed ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah loo dhan yahay.

Waxaa weli taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib khilaaf la xiriira hoggaanka maamulkaasi iyo habraaca doorashooyinka iyo wax kabadelka Dastuurka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku muujiyay walaac ku saabsan xaaladda sii murgeysa ee ka jirta Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in arrimaha siyaasadeed lagu xalliyo si waafaqsan dastuurka dalka.

Waxaa lagu xusay warka in tani ay muhiim u tahay xasilloonida siyaasadeed iyo kalsoonida shacabka.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kale, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabelle, inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, isla markaana la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga digey ficiladiisa ku wajahan in ciidanka xoogga dalka siyaasad loo adeegsado, danihiisana uu ka shaqeynayo, taas oo ay sheegeen in ay Soomaaliya dhaawac weyn ku tahay.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay go'aanadii uu qaatay Laftagareen

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News