SO | EN

SO | EN

Golaha shacabka oo dood ka yeelanaya sharciga argagaxisada

|

Muqdisho  (KAAB ) Maanta oo arbaca ah waxa xarunta  Golaha shacabka ka dhacaya kulanka xildhibaanada Golaha shacabka  Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta  iuu jiro kulanka Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in Golaha shacabka ay ka doodi doonaan qodobo ay ka mid yihiin  :

  1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga
  2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha
  3. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo maalmaha soo socda ay ka doodi doonaan inta aan la xirin kal-fadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News