SO | EN

SO | EN

Golaha shacabka oo u yeeray wasiirka duulista- Buuq badan oo jira.

|

Muqdisho (KAAB )- Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka duuliska hawada si ay jawaab ugu bixiso su’aalo la xiriira lacag lagu soo rogay rakaabka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde.

Yeeritaanka Wasiirka duulista Marwo Fardowso ayaa daba socota cabasho 9 doolar ah oo shirkad gaar ah ay ku soo rogtay rakaabka taas oo ay ka dhalatay buuq badan.

Warqad loo diray Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in Wasiirka duulista Soomaaliya  looga fadhiyo in jawaab lagu qanci karo ay ka bixiso talaabada lagu doonayo in shacabka lacag  lagu soo rogo.

Xildhibaanada – Golaha shacabka ayaa loogu baaqay in ay yimidaan kulanka isla markaana ay gutaan waajibkooda ku saabsan sidii loola xisaabtami lahaa laanta fulinta.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa  xanibnaa maalmo  ka dib lacagta sagaal doolar ah oo ay soo rogtay shirkad gaar loo leeyahay oo  gacan ka helaysa wasaaradda duuliska hawadsa.

Cabashadaas oo gaartay xafiisyada madaxda dalka ayaa ugu danbeyn waxaa fara galiyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre isagoo amray in duulimaadka  la bilaabo.

Wasaaradda duulista hawada Soomaaliya ayaa dhaleecayn badan kala kulantay in shirkad gaar ah gacanta loo galiyo maamulka diyaaradaha iyo kaydinta xogta shaqsiyaadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News