SO | EN

SO | EN

Golaha Wakiilada maamulka Puntland oo ansixiyay guddiyada doorashooyinka

|

Garoowe (KAAB TV) – Guddoomiyaha golaha wakiillada  maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka kowaad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka laad Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhigiisa 52-aad ee golaha wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa ansixinta Xubnaha magacaaban ee guddiga doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee dastuurka maamulka Puntland.

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay waxaa ogolaaday 39 Xildhibaan, waxaa diiday hal qof cid ka aamustayna ma jirin.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

1. Fu’aad Abshir Axmed

2. Axmed Jaamac Maxamed

3. Axmed Maxamuud Cumar ( KK )

4. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)

5. Maxamed Abshir Garaad

6. Maxamuud Soofe Xassan

7. Cabdullahi Maxamed Barre ( Caato)

8. Marwo Faadumo Siciid Axmed

9. Cabdinuur Maxamuud Maxamed Ubbaale

Dhinaca kalena, waxaa maalinta sabti 9ka bisha September si rasmi ah loo dhammeystiri doonaa xubnaha kale ee Xisbiyadda Siyasadeedka Puntland kuwaa oo codsi ay soo gudbiyeen horay ugu codsaday in wakhti dheeraad ah la siiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News