SO | EN

SO | EN

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland oo ansixiyay Xubno katirsan guddiga doorashooyinka

|

Garoowe (KAAB TV) – Guddoomiyaha golaha Wakiillada maamulka Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa labaad Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Sidoo kale, ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta Xubnaha magacaaban ee guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka maamulka Puntland.

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen aariikhdooda, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ka dhinaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC), tirada guud ayaana noqonaysa 12 xubnood.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

Xubnaha ladhaariyay ayaa kala ahaa magacyadooda.

1. Cabdisalam Bashiir Cabdisalam.
2. Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul).
3. Ubax Cabdullahi Abshir.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News