Garoowe (KAAB TV) – Kal Fadhigii xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa waxa saakey hareeyay dood ku saabsan Khilaafka arrimaha Federaalka iyo wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurkii KMG ahaa.
Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa ka dooday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka dowladnimada Soomaaliya ee ka dhashay wax ka beddelka dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee dalka.
Xildhibaannadan ayaa sidoo kale ka dooday jihada uu hadda ku socdo dalka iyo sida lagu badbaadin karo kadib markii khilaaf ba’an ka dhashay hannaanka doorashooyinka Villa Somalia riixayso ee lagu sheegay qof iyo cod oo ay diiddan yihiin inta badan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay hoggaaminayso dowladda Puntland.
Dhanka kale, Xildhibaannada Puntland ayaa ayaa badankood isku raacay in ay lamowqif yihiin xukuumadda madaxweyne Deni islamarkaana taageersan yihiin go’aannadii ay ka qaadatay khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sikastaba, go’aanka Baarlamaanka Puntland uu ka qaatay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa ka dhashay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii KMG aha iyo sidoo kale xiisadda udhexeyso Jubbaland iyo Villa Somalia.