Garoowe (KAAB TV) – Xildhibaannada golaha wakiillada maamulka Puntland oo maanta yeeshay fadhigoodi 16aad ee kalfadhiga 56aad ee golaha wakiillada Puntland ayaa maanta meel mariyay xeerka luminta xubinimada golaha wakiillada Puntland.
Sidoo kale, Xildhibaannada golaha wakiillada Puntland ayaa maanta xilkii xubinimo ee golaha wakiillada Puntland ka qaaday Xildhibaan Cabdirashiid Jibriil, oo maalin kahor ku dhawaaqay in uu isaga tagay xilkii uu ka hayay golaha wakiillada Puntland.
Dhanka kale, tirada xildhibannada maanta u codeeyay xeerka luminta xubinimada golaha wakiillada Puntland ayaa ahaa 38 mudane halka uu diiday 1 mudane waxaana ka aamusay 4 mudane.
Sikastaba, tallaabadan ay maanta qaadeen golaha wakiillada Puntland ayaa umuuqato mid ay mid looga jawaabayo is casilaadii uu dhowaan ku dhawaaqay Xildhibaan Cabdirashiid Jibriil, oo isaga maalin kahor magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka kaga dhawaqay in uu ka tagay xubinimadii golaha wakiillada Puntland, isagoona sheegay in xubinimada uu uga tagay dhisida iyo dhameystirka maamulka SSC iyo maamulka Maakhir.

