Puntland KAAB TV ) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Gobooeedka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland, kaas oo ay qabtay Hay’adda Max Planck Foundation.
Aqoon iswaydarsiga waxaa lagu baran doonaa Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, doorka metelaada, nidaamka xeer-dejinta, kormeerada iyo korjoogteynta Hay’adaha Dawladda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha Golaha Wakiillada kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan mudada uu socdo.