Garoowe (KAAB TV) – Golaha Wakiiladda Puntland oo saakay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa u codeeyay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka Dowladda Puntland u degsan, kaasoo muddooyinkan uu ka taagnaa muran.
Kulanka golaha Wakiiladda Puntland oo ay saakay xaadireen 60-xildhibaan ayaa waxaa u codeeyay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka Puntland 54 xildhibaan, waxaa diiday lix xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay wax ka bedelka dastuurka .
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaana si weyn uga soo horjeeday in la furo dastuurka Puntland laguna sameeyo wax ka bedel, waxaana muuqata madaxweyne Deni iyo golaha Wakiiladda Puntland in ay maanta meel marsadeen rabitaankooda.
Khilaafka ka dhashay in la furo dastuurka maamulka Puntland ayaa horey u sababay in magaalada Garoowe ka dhaco dagaal dhiig badan ku daatay, waxaana wali socda xal ka gaarista dagaalkaasi iyo in mar kale uusan soo noqon.
Siyaasiyiinta kasoo horjeeda madaxweyne Deni ayaa rumeesan in wax ka bedelka dastuurka danta uu ka leeyahay madaxweynaha ay tahay in uu sameesto muddo kororsi, isaga oo ku mar marsiyoonaya qabashada doorasho qof iyo cod ah.