SO | EN

SO | EN

Golaha Wakiillada Somaliland oo go’aanno kasoo saaray socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse ee Laascaanood

|

HARGeYSA (KAAB TV) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa faragelin qaawan ku tilmaamay booqashada uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ku tagay magaalada Laascaanood, wuxuuna ku baaqay in gabi ahaanba la joojiyo wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada badan socday.

Go’aanka kasoo baxay Golaha ayaa lagu yidhi: “Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu taageerayaa mawqifka xukuumadda JSL ka qaadatay imaanshaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, taas oo uu goluhu ku tilmaamay faragelin qaawan oo ku ah madaxbannaanida iyo qaranimada JSL.”

Goluhu waxa uu Madaxweyne Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo jeediyay in uu isugu yeedho golayaasha, xisbiyada siyaasadda iyo guud ahaan waxgaradka Somaliland, si talo midaysan looga yeesho, loogana gaadho xal ku saabsan xaaladda Degmada Laascaanood iyo imaanshaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Goluhu waxa uu sheegay in Somaliland, iyada oo ilaalinaysa amniga, ay ka baxday Degmada Laascaanood 25 August 2023, hase ahaatee ay wali awood buuxda u leedahay sugidda amniga xuduudaheeda. Waxa uuna ku baaqay in xukuumadu si deg deg ah u qaado tallaabooyin ay ku ilaalinaysa xuduudaheeda, oo uu goluhu ku tilmaamay kuwii Ingriiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, safarkaasi oo noqonaya kii ugu horreeyay ee masuul ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku tago magaalada tan iyo burburkii dowladdii Kacaank

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News