SO | EN

SO | EN

Golaha wasiirada oo kulan xasaasi ka yelatay soo sarista shidaalka dalka.

|

Muqdisho (KAAB )- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan ra’iisul wasaaraha uu hakiyay heshiis shidaal baaris oo lala galay shirkad Mareykan oo lagu magacaabo Liberty Petroleum.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horey heshiisyo shidaal baaris iyo soo saaris ula gashay shirkado iyo dowlado ay ugu dambeysay Turkiga, iyada oo weli aan la bilaabin qodista ceelasha goobaha la cayimay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News