Muqdisho (Kaab TV)– Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.
Kulank oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan Bajaajleyda, amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.
Ugu horreyn Golaha ayaa warbixin gaar ah ka dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.
Guddigan oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka Bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban illaa 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan Bajaajleydu.
Golaha ayaa ballan-qaaday in la fulin doono dhammaan qodobadaasi, si wax looga qabto dilalka joogta ah ee ay la kulmaaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.
Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.
Sidoo kale Golaha Wasiirad ayaa adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago weeraro ay fuliso Al-Shabaab.
Xalay ayaa ugu dambeysay kooxda Al-Shabaab ayaa madaafiic xoogan ku garaacaday xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhaliyay dhaawacyo dad rey’dah.
Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys xoogan soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu jabiyay dagaallada haatan ka socda gobollada dalka.





