SO | EN

SO | EN

Golaha Wasiirada oo meel mariyay Shan hindise Sharciyeed

|

Muqdisho (KAAB) – Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha R/Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda, Xasan Macallin ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, golaha ayaa cambaareeyay weerarkii  Al-Shabaab ee ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Hasayeeshee, golaha waxa uu  tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu ilaahay deg-deg u caafiyo.

Dhanka kale golaha Wasiirada ayaa maan shirkooda toddobaadlaha meel mariyay hindise sharciyeedyo kala duwan.

1- Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2- Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

3- Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4- Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5- Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News