SO | EN

SO | EN

Golaha Wasiirada Puntland: Madaxweyne Deni oo goordhow shaaciyay xukuumaddiisa cusub

|

GAROWE (KAAB TV) – Waxaa goordhow la shaaciyay magacyada xubnaha golaha wasiirada cusub ee Dowladda Puntland, kaasoo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Deberaani.

Xubnha Golaha Wasiirada ayaa ka kooban 21 wasiir. Weli lama shaacin wasiir ku xigeennada.
Wasiirada la shaaciyay caawa waxaa ku jira:
 
1. Cabdi Faarax Juxa – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
 
2. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole – Wasiirka Deegaanka
 
3. Ibraahim Xaaji Bakiin – Wasiirka Amniga
4. Maxamuud Caydiid Dirir – Wasiirka Warfaafinta
5. Maxamed Cabduwahaab Axmed –  Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta
6. Maxamed Faarax Maxamuud – Wasaaradda Maaliyadda
7. Siciid Jaamac Qoorsheel – Caafimaadka
Madaxweyne Deni oo ku guuleystay doorashadii 8da Jannaayo 2024 ka dhacday Puntland, ayaa xukuumaddiisa badankeedu tahay xubnihii hiore xilalka u hayey, inkastoo xubno ka yimid dhanka mucaaradka uu ku soo daray dowladdiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News