Muqdisho (KAAB TV) – Golaha Wasiiradda Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bankiga dhexe, kadib soo jeedin katimid Wasaaradda Maaliyadda.
Shirka oo uu guddoomiyey R/Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha kamid noqonaya guddiga sare ee Bankiga dhexe.
Prof. Cabdullaahi Sheekh IbraahimQaloocoow.
Faysal Cabdulaahi Warsame.
Maxamed Xasan Cumar.
Sidoo kale, golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo laisku raacay in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga miro dhaliyo hiigsiga 20260.
Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.
Ugudambeyn, golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ka dhageystay Wasaaradaha Amniga gudaha iyo gaashaandhigga.