GENEVA (Kaab TV) – Maanta oo ah 8da Oktoobar ayay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxay ansixiyeen dhammaadka shaqadii ay haysay Khabiirka Madaxa-bannaan ee la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Tan iyo 1993 waxaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya kasoo warbixin jiray khabiir madax-bannaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.
Waxaana xilkaasi hadda haaya Ms. Isha Dyfan oo u dhalatay dalka Siera Leone.
Muddada xilka khabiirka madaxa-bannaan oo ahayd sannadle ayaa sannad kasta la cusbooneysiin jiray, waxaana ay hadda ku eg tahay muddadaasi dhammaadka bishaan Oktoobar 2025.
Dhowaan ayay xukuumadda federaalka Soomaaliya dalbatay in la xiro xafiiska Khabiirka Madaxa-bannaan ee xaaladda xuquuqda aadanaha, iyada oo dowladdu dooneysay in aan la faafin warbixinnada laga soo gudbiyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca dalka.
Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku doodeysay inay dhistay guddi xuquuqda aadanaha, kaasoo lagu tilmaamay mid aan madax-bannaaneyn, kana kooban 9 xubnood oo ah la taliyayaal dowladda ah.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ee madaxa-bannaan ee ka shaqeeya Soomaaliya, ururrada saxaafadda iyo hay’adaha caalamiga ayaa walaac ka muujiyay in waqtiga ay ku soo beegantay dhammaadka muddo xileedka khabiirka madaxa-bannaan ay tahay xilli ay dhacayaan xadgudubyo waaweyn oo xuquuqda aadanaha ah, kuwaas oo laga galaayo shacabka.
Walaaca ugu weyn ayaa ah in ay meesha ka bixin doonaan warbixinnada heerka caalami ee xuquuqda aadanaha Soomaaliya, iyada oo warbaahinta ay wajahayso cadaadis iyo weeraro joogto ah oo kagama imaanaya dowladda iyo kooxaha hubeysan.

