Gaza (KAAB TV) Goobaha ka caaggan in colaaduhu saameeyaan sida Isbitaallada, Xeryaha Qaxootiga & Guryaha Rayidka ayay Ciidamada Israaiil waxa ay ku qaadeen duullaan toos ah oo askartoodu lugta ku galeen & duqayn xooggan oo ay ku garaaceen.
Maalmihii u dambeeyay askarta Yuhuudda ayaa bartilmaameed ka dhigtay meelo kala duwan sida Isbitaallada la gaynayo Dadka ku soo dhaawacma rasaasta ay ridayaan & duqaynta arxan-darrada ah ay ku garaacaayaan goobo kala kula duwan.
Gaza Waxaa intaas u dheer in Askarta Yuhuudda ay haatan usoo jeesteen in ay beegsadaan Xeryo ay degen yihiin Dad ay kasoo salkiciyeen Askartaan dagaalka iyo duqaynta xoogggan kawada Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaza.
Meelaha sida gaarka ah lasoo calaamadeeyay waxaa kamid ah: Xerada Qaxootiga ee Jenin ee dhacda Magaaladaas, Deir Ammar oo ah xero kale oo Qaxooti waxa ay ku taallaa Magaalada Ramallaah & Aqabat Jabr oo ah Xero Qaxooti oo dhacda Jerichos.
Mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aanay dib loo laqi Karin ficillada aan wanaagsaneen ee ka dhanka ah Dadka Birimageedada ah ee Falasteen oo ay ku dhaqaaqayaan Ciidamada Israaiil waa sida hadalka loo dhigay.
Xaaladaha amni darro, Cunno la’aan, Adeegyada Caafimaadka oo ay Israaiil Cariiri geliyeen ayaa isugu darsamay Dadka rayidka ah ee Falastiin balse waddamadii la rabay in ay ka dhiidhiyaan ayaa ka caga-jiida sabab la xiriirta in ay shuraako la yihiin Yuhuudda & xulufada Maraynka ugu tunka wayn yahay.