Boosaaso (KAAB ) Wararka KAAB uu ka helayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas albaabada loo laabay goobo ganacsi sabab la xiriira hanjabaad uga timid kooxda Daacish.
Waxa ay sheegeen ganacsato halkaas ku sugan in kooxda Daacish ay ka dalbadeen ganacsatada in ay bixiyaan lacag , ay ku sheegaan kooxda mid lagu taakulaynayo kooxda .
Dhawr qof oo ka mid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa sheegay in lagula soo hadlay telefoon loona sheegay in haddii aysan bixin lacag ay gubayaan goobaha ganacsiga.
Arintan ayaa saamayn waxa ay ku yeelatay dadka ku nool magaalada Boosaaso ee gobolka Bari – kuwaas oo ka walwal qaba xaaladda amni darro eek a jirta maagalada.
Maalmo ka hor koox hubaysan oo aan la aqoon hase ahaatee loo malaynayo kooxda Daacish ayaa bamgacmeed ku wareeray sida la sheegay goob ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso.
Maamulka gobolka Bari wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin xirnaanshaha falal amni dartooda goobaha ganacsiga ee magaalada Bosaaso halkaa soo xarun ganacsi.
Kooxda Daacish ayaa ka dagaalanta buuraha Galgala halkaas oo marar badan ay isku fara saareen iyaga [Daacish] Iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.