MUQDISHO (Kaab TV) –Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hor soo rogtay amar ah, in goobaha ganacsiga ee ku yaala waddooyinka iyo suuqyada muqdisho lagu xiro Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV si la mid ah Guryaha ay dagan yihiin dadka shacabka ayaa la faray in lagu xiro Kaamirooyinka.
Amarkaan ayaa dowladda Soomaaliya ku micneysay in lagu sugayo amniga caasimadda, kaalin uu ka qaadanaya badqabka Ganacsiga iyo Muwaadinka, kuwaas oo la kulma dhac, dil iyo dhaawac oo ay geysanayeen dad aan la aqoon heybtooda.
Inta aysan soo rogin amarkaan dowladda Soomaaliya ayaa Hay’adda NISA waxa ay Kaamirooyin ku xirtay dhammaan Isgoysyada magaalada Muqdisho, taas oo sahashay in la raadraaco falal amniga liddi ku ah kuwaas oo ka dhacay Caasimadda.
Askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda ciidadama qalabka sida, ka gadaal markii ay geysteen falal liddi ku ah amniga caasimadda, Xeer ilaalinta ayaa dacwadda Askartaan waxa ay marag ugu dhigtay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, si la mid ah waxaa maxkamadda ka soo muuqday rag lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo Caasimadda ka fuliyey dilal qorsheysan iyo Qaraxyo.
Dhinaca kale waxa jira cabashooyin soo baxaya oo ku aadan Dadka qaar aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta lagu soo rogay in laga qaado Dadka loo xeraayo Kaamirooyinka.
Goobo Ganasi oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maantay xeran ka dib markii lagu amray in ay bixiyaan lacag dhan 90$ taas oo keentay in ay xermaan Goobo Ganacsi.

